Home Warar Yamamoto:-“DFS Ha Xaliso Khilaafka Kala Dhaxeeya Dowladd Goboleedyada”,

Yamamoto:-“DFS Ha Xaliso Khilaafka Kala Dhaxeeya Dowladd Goboleedyada”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaaladda Muqdisho Kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Somaliya Donald Yamamoto.

Kulanka Labadda mas’uul ayaa looga hadlay xaaladaha kala duwan ee Somaliya iyo sida ugu haboon ee dowladda Federalka Somaliya & dowlad Goboledyada u wada shaqeyn karaan.

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitterka ee Hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kulanka kheyre Donald Yamamoto looga hadlay xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan sidii horumar looga sameyn lahaa nabadda, xasiloonida, Iskhaashi u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Safiirka Mareykanka ee Somaliya Donald Yamamoto ayaa soo jeediyay in xal laga gaaro khilaafka Dowladda Dhexe iyo Dowladd Goboleedyadda.