Home Warar Yamamoto:-“Cid Muqdisho Ka Bixi Karto Malahan ilaa Heshiis Laga Gaarayo”,

Yamamoto:-“Cid Muqdisho Ka Bixi Karto Malahan ilaa Heshiis Laga Gaarayo”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa amar ku siiyay Madaxda Dowlad Goboleedyada in aysan Magaaladda Muqdisho ka Tagin ilaa heshiis laga gaarayo.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in doorasho La qabto.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin doorasho hadda dhacda. Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo Laftagareen waa inay sii joogaan Muqdisho ilaa doorashada lagu heshiiyo”.ayuu yiri Safiirka Mareykanka