Home Warar Yaa Dalka Ka Taliya?

Yaa Dalka Ka Taliya?

SHARE

Gundhig-Waxaa ka soo ifbaxay bilihii u danbeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Villa Soomaaliya siyaasad aan wax dhiseenin u jeedkeedana ah  in la dumiyo waxii horey loo dhisay loona nidaamiyay,sida duminta maamul Goboleedyada Dalka ka jira oo waqti iyo hanti badan dhismahooda ku bixisay Dowladii hore.

Waxaa kaloo ka soo ifbaxay siyaasad ku qotanta caburin,iyo in weerar lagu qaado cidi aan ku qanacsaneen hab maamulka madaxda degan Villa Soomaaliya,waxaana kamida siyaasiyiinta dhibanayaasha u noqday siyaasadaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur,Senotor Cabdiqeybdiid iyo labo xildhibaan oo katirsan Golasha Shacabka.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa aaminsan in Madaxweynaha dalka uusan hal abuurkeeda lahayn siyaasadahaa guracan balse  uu yahay nin meesha la keensaday kuwi keensadayna ay dalka daaha gadaashiisa ka maamulayaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlaya arintaan ayaa yiri’’ Waxaa jira su’aal horay u taagnayd oo ay shacabka, siyaasiyiinta, xubnaha beesha Caalamka ku wareer sanaayeen. Kulamadii aan maalmahan la qaatay bulshada qaybaheeda kala duwan, siyaasiyiinta iyo xubnaha beesha Caalamkaba waxaa si xoog leh weli la iswaydiinayaa su’ aashii qudheeda oo ah

Yaa dalka ka taliya? Who is in charge?’’.

Siyaasadaan ayaa hadafkeeda dhabta ah waxuu yahay in dalka laga hirgeliyo nidaam kaligii talis ah iyo in Dowladda Qadar loo afduubo Dowladnimada Soomaaliya.

Kuwa Dalka daaha gadaashiisa ka maamula ayaana aaminsan in siyaasadaasi ay ku hirgali karto oo kaliya in  la burburiyo cid walba oo ka dhiidhin karta.

Gundhig.com