Home Warar Xuseen Feysal Cali Waraabe oo La Dilay

Xuseen Feysal Cali Waraabe oo La Dilay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Sida ay sheegayaan warar soo baxaya waxaa dalka Syria lagu dilay Xuseen Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa caruurta uu dhalay guddoomiyaha xisbiga UCID ee Maamulka Somali-land.

Weerarka lagu dilay Xuseen ayaa dhacay 29-kii bishii Desember, 2017kii.

Waxaa la xaqiijiyay in sanadkii  2013-kii ka tagay magaalada Hargeysa iyadoo wakhtigaasi la sheegay in uu ku biiray ururka Daacish.

Dhanka kale Cali Faysal Cali Waraabe oo ay walaalo yihiin Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay  in loo malaynayo in wiilkoodu ku dhintay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday Dalka Syria.

Wiilkan ayaa ka mid ahaa dadka ku biiray kooxda isaga oo asal ahaan ka yimid dalka Finland.