Home Warar Xubno Shabaab ahaa oo Goordhaweyd Lagu Dilay Muqdisho

Xubno Shabaab ahaa oo Goordhaweyd Lagu Dilay Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Israsaaseyn u dhaxeysay Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa goordhaweyd ka dhacday Magaaladda Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay bar kontorool oo ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin isgoyska seybiyaano Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sida wararku ay sheegayaan, Raga hubeysnaa oo gaari nooca raaxada watay, ayaa isku dayay iney xoog kaga soo tilaabaan bar Ciidamada ay gaadiidka ku baaraan, iyadoo intaasi kadibna goobta uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Israsaaseynta ayaa sababtay dhimashadda Labo xubnood oo ka Tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askarta Dowladda ee goobta ku sugnaa.

Saraakiil ka Tirsan Dowladdda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dhimashadda labadda shabaab-ka,halka uu baxsaday mid seddexaad oo la socday kaasi oo la baadigoobayo.

Dhanka kale waxaa jira khasaare soo gaaray dadka shacabka ah ee ku sugnaa hareeraha wadada.