Home Warar Xubno Ka Tirsan Xukuumadda iyo Labada Gole oo Dhuusamareeb Gaaray+Sawirro

Xubno Ka Tirsan Xukuumadda iyo Labada Gole oo Dhuusamareeb Gaaray+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gunhig)-Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa gaaray Xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka oo kasoo jeeda deeganadaas.

Wafdigan oo ka baxay Muqdisho ayaa isugu jira xubno ka tirsan Xukuumadda iyo golayaasha Baarlamaanka, waxaana ka mid ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Wehliye iyo xildhibaanada kala ah Jawaahir Axmed, Ahmed Macalin Fiqi, C/xakiin Macalin iyo xubno kale.

Magaaladda Dhuusamareeb ayaa laga dareemayaa diyaargarowgii ugu weynaa ee lagu soo dhoweynayo madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), waxaana magaalada buux dhaafiyay siyaasiyiin, madax kala duwan iyo maamulkii Ahlu suna ee la midoobay Galmudug.