Home Warar Xisbiga Himilo Qaran oo Dacwad ka Gudbiyay Xukuumadda Soomaliya

Xisbiga Himilo Qaran oo Dacwad ka Gudbiyay Xukuumadda Soomaliya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xisbiga Himilo Qaran oo kamid ah Xisbiyadda dalka ka jira ayaa dacwad ka dhan ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay dacwadda ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare ay la xiriirto xayiraadii dhawaan la saaray Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku wajahnaa Magaaladda Kismaayo.

Waxa uu sheegay Sanator Ilyaas in Xukuumadda qaabka ay u xayirtay Shariif ay aheyd qaab sharcidaro ah,islamarkaana Maxkamadda ay war ka sugayaan.