Home Warar Xiliga uu Furmayo Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka oo La Shaaciyay

Xiliga uu Furmayo Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka oo La Shaaciyay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota oo ay Taariikhda ku beegan tahay 09ka October 2019.

Qoraal uusoo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo loo qeybiyay warbaahinta ayaa lagu faray xildhibaannada iney deg deg dalka ugu soo laabtaan.