Home Warar Xildhibaano Mooshin Ka Gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Xildhibaano Mooshin Ka Gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Mooshin Xil ka qaadis ah ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Gudoomiyaha ayaa lagu eedeeyay falal jebinaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka, Maleeshiyaad hubeysan uu u gacan galiyay Xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland ee magaladda Garoowe.jabinta qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada,in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.