Home Warar Xildhibaano iyo Sanataro Lagala Wareegay Ciidamadii Ilaaladda u ahaa!

Xildhibaano iyo Sanataro Lagala Wareegay Ciidamadii Ilaaladda u ahaa!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa wada qorshe lagula wareegayo ciidamadda Malatariga ee ilaaladda u ah Xildhibaanadda iyo Sanataradda Dowladdda federaalka Soomaaliya.

Qorshahaan waxaa wada Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Odawaa Yuusuf Raagge, oo dhawaan xilkaan la wareegay.

Waxaa haatan jira Xildhibaano iyo Sanataro ka Tirsan Golaha aqalka oo lagala wareegay ciidamadda ilaaladda u ahaa,waxaana jira kuwa kale oo lagu wargaliyay in ciidamadda ay soo wareejiyaan.

Senator Nuura Faarax Jaamac oo ka tirsan Aqalka Sare ee dalka, ayaa xaqiijisay in saddex askari oo illaalo u ahaa in looga yeeray Xarunta Villa Baydhabo, halkaasina lagu xareeyay.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo qorshahan wada ayaa la sheegay inuu kaga gol leeyahay in hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga aanan lagu dhex arkin Magaalada gudaheeda.