Home Warar Xildhibaannadda Baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo La Dhaariyay.

Xildhibaannadda Baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo La Dhaariyay.

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabelle waxaa maanta lagu dhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle, waxaana goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga soo xulay iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Dhaarin kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiilada DG Hir-Shabeelle ayaa iska dhex doortay Shir guddoon KMG ah, Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah mudanaha ugu da’da weyn 90-ka Xildhibaan ayaa loo xushay guddoominta kulamadooda ugu horeeyo.

Kadib kulan ay yeesheen ayay xildhibanadda ku doorteen Guddiga Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle.