Home Warar Xildhibaanadda Baarlamaanka oo Maanta Ka Doodaya Amniga Dalka

Xildhibaanadda Baarlamaanka oo Maanta Ka Doodaya Amniga Dalka

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanadda Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista amniga Qaranka, gaar ahaan kan Magaaladda Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Golaha shacabka.

Kulanka arrimaha amaanka ayaa lagu waday in uu qabsoomo 6-dii bishaan April,balse waxaa baajiyay xildhibaanadda baarlamaanka oo isku khilaafay in saxaafadda banaanka loo saaro.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ka heshiiyay khilaafkii ka taagnaa xiliga la qabanayo Kulanka Arrimaha amaanka.

Kulamo u dhaxeeyay Guddoonka iyo Xildhibaanada oo muqdisho ka dhacay ayaa la isku afgartay in laga gudbo xiisadii dhalisay in dhawaan buuq ku dhamaado kulankii Golaha shacabka ay ku hor yimaadeen Wasiiro iyo taliyaal ciidan.

Labadda Dhinac ayaa ku heshiiyay in sabtida uu qabsoomo kulanka Arrimaha amniga, waxaana kulankaasi Xildhibaanada kaga doodi doonaan amniga,waxaana laga mamnuucay warbaahinta.

Sidoo kale sabtida soo socda ayaa lagu wadaa in loo yeero Wasiiradda iyo taliyaasha Ciidamadda si warbixino looga dhageysto, waxaana kulankaasi banaanka ka joogi doona Warbaahinta.