Home Warar Xildhibaanada Galmudug Garabka Xaaf oo Doortay Guddoomiye Baarlamaan

Xildhibaanada Galmudug Garabka Xaaf oo Doortay Guddoomiye Baarlamaan

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Baarlamaanka Dowladd Goboleedka Galmudug garabka Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa galabta Magaaladda Dhuusa-mareeb ku doortay  Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulkaaas.

Kulanka galabta waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka galmudug Xareed Cali Xareed,waxaana kulanka soo xaadiray 137-xildhibaan.

Doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug waxaa ku tartamayay 3-musharax oo kasoo jeeda Degmadda Ceelbuur ee gobolka galgaduud,waxayna kala ahaayeen 1. Aadan Xaaji Xasan Gardheer 2. Ismaaciil Cabdulle Axmed 3. Salaad Axmed Ceynte.

Sida uu sheegay Xareed Cali Xareed, natiijada wareegga 1-aad ayaa noqotay sidan

  1. Aadan Xaaji Xasan Gardheer 37 cod
  2. Ismaaciil Cabdulle Axmed 93 cod
  3. Salaad Axmed Ceynte 5 cod
  4. Waxaa halaabay 2 cod.

Salaad ceynte ayaa si toos ah ugu haray wareegga koowaad maadaama uu ugu cod yaraa, sidoo kale Aadan Xaaji Xasan Gardheer ayaa tanaasulay, waxaana sidaas ku guuleystay Ismaaciil Cabdulle Axmed.

Isla xarunta baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug Garabka dhuusa-mareeb.

Arintaan ayaa sii hurinaysa xiisadda siyaasadeed ee Madaxda Dowladd Goboleedka Galmudug, oo haatan maraysa meeshii ugu xumeyd.