Home Warar Xildhibaan Sheegay in Shabaab Ay u Yeereen Ergadii Doorashadda!

Xildhibaan Sheegay in Shabaab Ay u Yeereen Ergadii Doorashadda!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay bilaabeen in ay u yeeraan Ergadii soo dooratay Xildhibaanadda Labadda aqal.

Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta hadal ka jeedinayay kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in haatan ay mareyso arinta in Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka ay u yeeraan Al-Shabaab,isla markaana  maanta loo yeeray Ergadii isaga soo dooratay.

“Runtii waxan maqlay in dhamaan ergadii nasoo dooratay loo yeeray,aniga hadda idinla hadlayo ergadii i soo dooratay waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Iidaale oo looga yeeray,marka waxaana rabaa in Al-Shabaab aan u midowno lana dagaalano ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) ayaa ugu baaqay Dowladda federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato arinta Maleeshiyaadka Al-shabaab.