Home Warar Xildhibaan Moses Kurie:-“ Madaxweyne Axmed Madoobe Ma Ahan Kenya”,!

Xildhibaan Moses Kurie:-“ Madaxweyne Axmed Madoobe Ma Ahan Kenya”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Siyaasadda kenya ee Arrimaha Soomaaliya ay tahay mid qar iska tuurnimo ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in siyaasadda Kenya ee Arrimaha Soomaaliya ay tahay mid qar iska Tuurnimo ah oo ay sameeneyso Wasaarada Arimaha Dibada Kenya.

Xildhibaan Moses Kurie ayaa sheegay in siyaasada Kenya ee Soomaaliya kaliya aysan ahayn Jubba-land Balse loogu Baahan yahay Wasiirka arimaha dibada Raychelle Omamo in ay la timaado Siyaasad aan ahayn tan wasaarada arimaha Dibada dalkaas.

“Jubaland ma noqon karto qodobka kaliya ee qeexaya siyaasadeena Soomaaliya, Waxaan ugu baaqayaa Raychelle Omamo inay qeexdo siyaasadeeda arrimaha dibedda oo aysan ku Shabadeyn siyaasadii ay ka dhaxashay wasaarada,Madobe ma aha Kenya”,ayuu kusoo qoray Bartiisa.

Dowladda kenya ayaa faragalin ku haysa Arrimaha Soomaaliya,waxayna Taageero indho la’aan ah ay siisaa Maamulka Axmed Madoobe.