Home Warar Faah-faahin:-Xildhibaan Lagu Qarxiyay Magaaladda Muqdisho!!!

Faah-faahin:-Xildhibaan Lagu Qarxiyay Magaaladda Muqdisho!!!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu xiray oo caawa ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Agagaarka Tiyaatarka Qaranka Degmadda Warta-nabadda ee Magaaladda Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay Wadihii gaariga oo ahaa Hilux,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxaan Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya waxaa socda baaritaano.

Xildhibaan-ka oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, ayaa laga soo doortay dhanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ku soo aaday xilli maalmo kahor Madaxweynaha Hirshabeelle Waare uu xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqay inay ka taxadaraan ammaankooda, maadaama uu tilmaamay inuu faraha ka baxay ammaanka Muqdisho.

Ma Jirto cid ilaa haatan shegatay mas’uuliyadda qaraxaan ka dhacay magaaladda Muqdisho.