Home Warar Xildhibaan Ku Lug Yeeshay Shabakad Sameysa Doolar Been Abuur Ah Oo NISA...

Xildhibaan Ku Lug Yeeshay Shabakad Sameysa Doolar Been Abuur Ah Oo NISA Qabatay

SHARE

Warka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Garoonka Muqdisho lagu qabtay Shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah.

Hay’adaha ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in labo ruux lagu qabtay Shabakadda lacagta dhaqda ,

‘’Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa,”.

Hay’adda NISA ayaa Qoraal kale  oo ay soo dhigtay barta ay ku leedahay twitter-ka,waxey ku cadeysay  shabakada la qabtay in uu Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka la shaqeynayay islamarkaana uu u fududeynayay ka gudbida garoonka.