Home Warar Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Galmudug oo Geeriyooday!

Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Galmudug oo Geeriyooday!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa xalay ku geeriyooday Xildhibaan C/kariin Maxamed Cusmaan (Ciro) oo kamid ahaa Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Ala ha u Naxariistee Xildhibaanka ayaa la sheegay In mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa Magaaladda Muqdisho.

Xildhibaan Salaad Ceynte oo kamid ah Baarlamanka Galmudug oo si kooban ula hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaanka uu muddo Xanuunsanaa islamarkaana uu xalay geeriyooday.