Home Warar Xildhibaan Abdiraxmaan Ibbi:-“Bajaajleyda Waa Bambo Tuurayaal”,!

Xildhibaan Abdiraxmaan Ibbi:-“Bajaajleyda Waa Bambo Tuurayaal”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirkii hore ee kalluumeysiga iyo kheraadka badda C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahin (Ibbi), haatana kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii maanta Muqdisho loogu geystay Darawal mooto Bajaaj iyo abtigiisa kaasi oo ka dhacay Isgoyska Holwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Ibbi oo ka hadlayay kulanka dooda amniga ee Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka loo geysto Darawalada bajaajta ee Muqdisho ka dhaca, laakiin darawalada mararka qaar ay bambooyin ku tuuraan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

”Bajaajleyda aan u doodeyno Waa Bambo tuur oo waxaa la hayaa saddex Bajaaj oo Askarta Bombooyin ku tuuray”, ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahin (Ibbi).

Hadalka Xildhibaan Ibi ayaa dhaliyay qeylo dhaan iyo in lagu buuqo, isagoo markaas kadib si toos ah u weerarray xildhibaanadii ku qeyliyey kadib markii uu weerar afka ah ku qaaday darawaladda Mooto Bajaajka.

Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Banaanbax dhaliyay dhimashada ku dhawaad 10-ruux kadib markii askari ka tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya uu dilay saakay Darawal Mooto Bajaaj iyo abtigiisa xili ay ku sugnaayeen isgoyska Holwadaag.

Sidoo kale Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka ay u geystaan Darawaladda bajaajka Muqdisho,balse hay’adaha amaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo kooba hadalkooda cambaareyn in lasoo qabanayo askarta dilalka geysata.