Home Warar Xildhibaan Daleys oo Loo Diiday in ay ka Dhoofto Garoonka Muqdisho

Xildhibaan Daleys oo Loo Diiday in ay ka Dhoofto Garoonka Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo kamid ah Xildhibaandda  Baarlamaanka federaalka Soomaaliy ayaa sheegtay in loo diiday inay ka dhoofto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayna tagto degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Xili ay ka hor hadleysay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayay sheegtay in markii saaka ay tagtay garoonka diyaaradaha oo ay dooneysay inay diyaarad raacdo la yiri ma bixi kartid.

Waxa ay sheegtay in loo sheegay in dambi ku haysatay Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Dowladda Soomaaliya.

“Waxaa rabaa inaan halkan ka sheego howl yar oo i qabsatay, shalay waxaa fasax geystay Guddoonka, in muddo 10 cisho ah aan maqnaado oo aan aado deegaan doorashadeyda degmada Luuq Ganaane, saaka hal saac markii aan tagay garoonka oo la marayo shan saac ayaa la yiri kama bixi kartid  Air Porka waxaa ku heysata Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka”sidaa waxaa tiri Xildhibaan Daleys.