Home Warar Xasan Sheekh:-“Farmaajo 20 sano Kuma Qaban Karo Doorasho Qof iyo Cod”,

Xasan Sheekh:-“Farmaajo 20 sano Kuma Qaban Karo Doorasho Qof iyo Cod”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Prof. Xasan Sheekh Cali (Iimaam) oo wax ka dhiga mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho ayaa eedeemo badan u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Isagoo u waramayay warbaahinta magaaladda muqdisho ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo aanu ogoleyn in siyaasaddu inay tahay shirko oo lagula tartami karo, taas bedelkeed uu aaminsan yahay in siyaasad lagu kala adkaado.

Waxa uu sheegay in qorshihiisa uu yahay in dhamaan wixii qaladaad ahaa ee Dowladda ka dhacay uu dusha u saaro Raisulwaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kala waxa uu sheegay Prof. Xasan Sheekh Cali (Iimaam)  in Farmaajo 20-sano haduu joogo xitaa uusan dalka ka hirgalin Karin doorasho qof iyo cod ah.

“Madaxweyne Farmaajo 20 sano hadduu joogo doorasho hal qof iyo hal cod dalkaan kama qaban karo, doorasho yaa qabto doorasho waxaa qabto qof marka hore ogol siyaasaddu inay tahay shirko aniga iyo adiga aan tartami karno, kitaabka Madaxweyne Farmaajo kuma taalo in la tartamo, waxaa ku taallo in lagu kala adkaado”ayuu yiri Prof. Xasan Iimaam.