Home Warar Xasan Cali kheyre oo Sheegay in uu Yahay Musharax Madaxweyne

Xasan Cali kheyre oo Sheegay in uu Yahay Musharax Madaxweyne

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Raisulwasaarihii Hore ee Dowladda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa sanadka 2021-ka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in markii uu eegay dhibaatooyink dalka ka jira uu go’aansaday in uu noqdo Musharax Madaxweyne.

“Bismillah,Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii  waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.