Home Warar Xaliimo Yarey:-“Doorashada Ma Qabsoomayso Waqtigii Loogu Talagalay”,!

Xaliimo Yarey:-“Doorashada Ma Qabsoomayso Waqtigii Loogu Talagalay”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey), ayaa sheegtay in doorashadda Soomaaliya aysan waqtigeeda ku dhici Karin, islamarkaana loo baahan yahay bilooyin dheeri ah.

Iyadoo maanta ka hor hadleysay Xildhibaanadda Baarlamaanka federaalka Somaaliya ayay sheegtay in guddiga uu qorsheeyay in loo baahan yahay muddo 13-bilood ah,taasi oo ku ek August sanadka 2021-ka.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in howlaha Guddiga Doorashada ay hareeyeen caqabasho farabadan oo ay kamid yihiin Dawlad Gobaleedyada dalka ka jira , Dhaqaalaha iyo xaaladdaha Amniga ee Soomaaliya.

“Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka” ayay tiri Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.