Home Warar Xaliimo Yarey oo Lagu Xirey Magaaladda Dhuusamareeb

Xaliimo Yarey oo Lagu Xirey Magaaladda Dhuusamareeb

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidamadda Maamulka Ahlusuna Waljameeca ayaa magaaladda Dhuusamareeb ku xirey Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran Xaliimo Maxamed Ismaaciil (Xaliimo yarey).

Xaliimo Yarey ayaa la sheegay in magaalada  Dhuusamareeb ka qabteen Ciidamada Ahlusunna, waxaana laga xayiray dhaqdhaqaaqa, iyadoo la geeyay guri uu leeyahay maamulka magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in ilaalada Guddoomiyaha Guddiga Doorashada laga qaaday hubkii ay wateen oo la xiray, iyadoo arrintan loo aaneynayo inaan maamulka Ahlusuna ka war heynin socdaalkeeda.

Xayiraadda Xaliimo yarey ayaa ku soo beegantay xilli magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud looga diyaar garoobayo soo dhoweynta Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga la socda oo dhawaan gaaraya Magaaladaas.