Home Warar Xaliimo Yarey:-“Hal Arin ayay Isku Casili Karnaa Guddiga Doorashadda”,!

Xaliimo Yarey:-“Hal Arin ayay Isku Casili Karnaa Guddiga Doorashadda”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa ka hadashay eedeen ugu timid xisbiyadda dalka ka jira oo ku aadan in ay iscasisho,kadib markii ay ku fashilantay sida ay sheegeen arrimaha doorashooyinka.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegtay inay caqabad ka haysatay in doorashada ku qabsoomto waqtigeeda, taasoo ay ugu horeyso iyadoo aan weli loo soo gacan-gelin sharcigii doorashooyinka iyo inaanay saamileyda siyaasadda heshiis ka gaarin nooca ay tahay doorashada dalka laga qabanayo.

“Anagoo sheegeyno doorashada sidee u dhaceyso, kuna cabireyno doorashooyinka adduunka sidey u dhaceen oo la jaan-qaadeyno xaaladda dalkeena ka jirta ayaa hadana waxaan sheegeynay markasta, oo ay ku lifaaqneyd waa in la hellaa sharci doorasho ugu horeyso. Waxaa kaloo ku jirtay inaan helno dhaqaale iyo in nabadgelyadii la suggo.” Ayay tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.

Dhanka kale waxa ay ka hadashay baaqii kasoo baxay Xisbiyadda dalka ka jira oo ku aadanaa in ay iscasisho.

Waxa ay sheegtay Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), inay is casili doonaan, marka lagu helo inay qiyaano qaran ku kaceen.

“Anaga waxaan is casileynaa haddii dembiile noqono, haddaan qaa’inal wadaniyiin noqono, haddii shaqadii naloo diray aan qaban weyno. Shaqadii naloo diray ma aanan qaban weynin.” Ayay tiri Xaliimo Yarey.