Home Warar Xaliimo Yarey:-“Dhib ayaan Ku Qabnaa Ku Shaqeynta Villa Soomaaliya”,!

Xaliimo Yarey:-“Dhib ayaan Ku Qabnaa Ku Shaqeynta Villa Soomaaliya”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa sheegtay in dhibaatooyin ku qabaan ku shaqeynta Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Iyadoo maanta warbaahinta kula hadlaysay magaaladda muqdisho ayaa sheegtay in qorshahooda uu yahay in ay si hufan ugu adeegaan Dhinacyadda siyaasadda, balse ay taasi ugu saamixi karin xafiiskooda oo ku dhex yaala Madaxtooyada.

Sidoo kale waxa ay sheegtay tan iyo markii la aas aasay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay raadinayan xarun u gaar ah oo guddiga uu ku shaqeeyo, si isu mida ugu wada shaqeeyaan xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira.

Ugu dambeyntii waxa ay ugu baaqday Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in Guddigooda loo dhiso dhismayaal iyaga u gaar ah ay ku shaqeeyaan.