Home Warar Xaaf:-“Gurigeyda Magaaladda Muqdisho Hal Sano Ma Tagin”,!

Xaaf:-“Gurigeyda Magaaladda Muqdisho Hal Sano Ma Tagin”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa sheegay in muddo sanad ah uusan tagin Magaaladda muqdisho uu dagan yahay,islamarkaana diyaarad uu ku dulmarayay magaladda Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa xalay kulan casho sharaf ahaa u sameeyay qaarka mid dhalinyaro dalxiis baryahan dambe ku joogay deegaanada Galmudug

Madaxweynaha bogaadin iyo hambalyeen u jeediyay dhalinyarada sida quruxda badan oo ay u soo bandhigeen bilicda iyo horumarka Galmudug.

Mar uu ka hadlayay sababta uusan u tagi Karin magaalooyinka Muqdisho iyo cadaado ayuu sheegay in ay tahay culeyso lagu hayo Maamulkiisa.

“Culeys badan ayaa na haysta waad ogtihiin, waana iska caabineynaa, dadka naga soo horjeeda walaahi ma rabaan wanaageena, halkaan markii aan imaaneynay wax badan ayaan dhagax dhignay, wax soo laabtayna ma aydaan arkin, mana arki doontaan, wax badan ayaa jira hal sano, aniga xittaa gurigeyga ma tagin xamar ma tagin, Cadaadana diyaarad ayaan ku dulmaraa, cidina Galmudug nagu gumaysan maydo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Galmudug waxaa ka dhaxeeya Khilaaf waqti badan socda,waxayna madaxda Galmudug dhowr jeer sheegeen in cadaadis lagu hayo.