Home Warar Weerar ay ku Dhaawacmeen 10-ruux oo Xalay ka Dhacay Muqdisho

Weerar ay ku Dhaawacmeen 10-ruux oo Xalay ka Dhacay Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Fagax Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Bambo Gacmeed lagu tuuray guri ku yaalla degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho,halkaas ay ku caweynayeen dhalinyaro fara badan.

In ka badan 10 ruux ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen Bambo gacmeed xalay lagu weeraray guri ku yaalla degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Laba ruux oo dadkaasi dhaawacmay kamid ah ayaa la soo sheegayaa in xaaladood aad u liidato balse weli lama soo werin wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarkaasi.