Home English News Somali News Wax ka ogow waxyaabaha sababta u ahaa in Wasiir Bidhaan soo laabto?

Wax ka ogow waxyaabaha sababta u ahaa in Wasiir Bidhaan soo laabto?

SHARE

 

Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisay xukuumaddiisa isniintii, waxaa aad loo hadal hayey wasiirada dib u soo laabtay xilli kala bar xubnihii xukuumaddii hore la eryey.

Wasiirada soo laabtay ee la saadaalinayey waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdillahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle, Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Qorsheynta Jamal Maxamed Xassan.

Hase yeeshee, su’aasha la’is weydiin karo ayaa ah, inta badan wasiirada soo laabtay ee aan kor ku xusnay marka laga reebo Bidhaan iyo Khadiijo Diiriye, dhammaan waxa ay daacad u ahaayeen Madaxtooyada waqtigii xukuumaddii dhacday, waa maxay sababta Bidhaan u soo laabtay iyada loo la’ogyahay in uu ahaa xubin aan lagu xaman labada xafiisba?

Inta badan dadka siyaasadda gorfeeya waxa ay isku raaceen, in Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Bidhaan uu yahay shaqsi dagan, af gaaban, dad isku wad leh oo ah nabadoon in badan xallin jiray khilaafaadka soo kala dhex gala Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre iyo xubnihiisii Wasiirada.

Dhinaca kale, Wasiir Bidhaan waxaa aad loogu ammaanay oo sababna u noqotay in uu soo laabto shaqada weyn ee uu ka qabtay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo hadda ka noqotay mid ka mida Wasaaradaha aadka loo raadiyo.

Wasaaradda Kalluumeysiga wey adkeyd in aad maqasho cid raadineyso ama hadal haysa kahor Wasiir Bidhaan, hase yeeshee, waxa uu gaar siiyey heer ay hormuud u noqoto gaarista shuruudihii (Bencchmarks) lagu xiray barnaamijka deyn cafista dalka gaar ahaan qeyntii laga soo gudbay ee SMP-ga.

Waxaa uu sidoo kale, si sharci ah shatiyo u siiyey dalka China oo malaayiin lacag ah soo galisay dhakhliga dalka, waliba iyaga oo loo ogolaaday oo kaliya Kalluunka guur guura ee loo yaqaan Tuna ama Tuna -like species oo ay ka qabsan karaa meel xeebta u jirta 24 nautical mile.

Wasiir Bidhaan waxaa loo magacaabay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda bishii Agoosto 2018, xilli Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, gaar ahaa Puntland ay qoorta iskula jiraan, tan iyo markaas waxaa meesha ka baxay khilaafkaas iyada oo lagu heshiiyey qaabka loo qeybsanayo dhakhliga iyo masaafada qolo walba awoodda u leedahay in ay maamusho.