Home Warar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo Baarlamaanka Loogu Yeeray

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo Baarlamaanka Loogu Yeeray

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar).

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha ayaa lagu sheegay in muddo 10-cisho Gudahood wasiirka ku hor yimaado Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo ka dhigan 1-December.

10-xildhibaan ayuu guddoonka sheegay in ay dalbadeen In loo yeero wasiirka si su’aalo loogu weydiiyo xayiraadii diyaaradaha Kismaayo iyo cida bixisay amarki lagu hakiyay diyaaraddii qaadi laheyd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif.