Home Warar Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Soo Gaaray Muqdisho+Sawiro

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Soo Gaaray Muqdisho+Sawiro

SHARE

Magaalada Muqdisho waxaa Goordhow soo gaaray Wasiirka Cusub ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya ee uu shalay Magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Cabdi Maxamed Zabriye ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirada Warfaafinta, Isgarsiinta, iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda arrimaha Gudaha oo ay horyaalaan Shaqooyin adag ayaa la filayaa in uu dhawaan xilkaas kala wareego Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Cabdi Faarax siciid Juxa.