Home Warar Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta XFS oo Maxkamadd Lala Tiigsanayo!

Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta XFS oo Maxkamadd Lala Tiigsanayo!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka Boostadda iyo isgaarsiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur ayaa dhawaan shaqada ka eryay gudoomiyihii Guddi Hoosaadka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee dhinaca Maaliyadda Cali Ibraahim (Cali Shaamey).

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu la tashiyo dhinaca sharciga uu sameeyay, taasoo uu ku soo ogaaday in Wasiir Canshur aanu awood sharciya u leheyn in uu xubin kamid ah Guddiga saaro.

“Maadaama go’aankaaga iyo amarkaaga xad gudub cad ku yihiin Qodobada 7-aad, 10-aad, 11-aad iyo 27-aad ee sharciga Isgaarsiinta Qaranka iyo Qodobka 22-aad ee Dastuurka Qaranka waa sharci darro, sidaasi awgeed kamid ahaansheheyga xubin buxuda ee Guddiga Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka waxba iskama bedelayaan” ayuu yiri Cali Shaameey.

Shaamey ayaa la sheegay in uu ku biiray Xisbiga hurusocod oo kamid ah Xisbiyadda Mucaaradka ee kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waana sababta xilka looga qaaday.

Dhanka kale Cali Ibraahim ayaa  rajo wanaagsan ka muujiyay in ay fara geliyaan kiiskaan Cabashada ah ee uu u gudbiyay guddiyadaan, sida uu ku yiri qoraalkiisa.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in uu maxkamadd la tiigsan doono Wasiirka Boostadda iyo isgaarsiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur.