Home Warar Wasiir Muqtaar:-“Guddiyada Sida Loogu Heshiiyay oo Loo Soo Magacaabay Waaye,”,!

Wasiir Muqtaar:-“Guddiyada Sida Loogu Heshiiyay oo Loo Soo Magacaabay Waaye,”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan howllaha doorashooyinka, isagoo tilaamay in Xukuumaddu ay ku taagantahay fulinta qodobada heshiiskii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo Muqdisho, isla markaana ay wax walba oo la xiriira doorashooyinku ku qabsoomi doonaan xiligii lagu heshiiyey, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan sidii ay nabadgelyo ugu dhici lahayd doorashadu.

“Guddiyada sida loogu heshiiyay oo loo soo magacaabay waaye, waqtiga loogu tala galay doorashada inay dhaceyso qof kasta oo Soomaali ahna waa u furan tahay inuu u tartamo waxyaabaha looga heshiiyay ka mid tahay, muhiimka waxaa ah in laga ilaaliyo wax carqalad iyo caqabad dhalinayo in doorashada waqtigeeda inay ku dhacdo wax kasta hakinaya oo waqtigeeda ama dariiqa looga heshiiyay ka leexinaya in aad looga fogaado oo la iska ilaaliyo, dowladda waxay diyaar u tahay in waqtigeeda arrintaas ku qabsoonto, guddiga sida loo magacaabo u magacaaban yihiin sida loogu tala galay oo loo heshiiyay waqtiyada waqti walba wixii loogu tala galay inay qabsoomaan ayaa qorshaha uu yahay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dagaallamaya deegaannada hoostaga Galmudug iyo Hirshabelle in colaadda ay ku joojiyaan shuruud la’aan, isagoo tilmaamay in odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka deegaanadaas looga baahan yahay kaalintooda ku aaddan sidii colaadda loo joojin lahaa.