Home Warar Wasiir Ka Tirsanaa Puntland oo Carona Ugu Geeriyooday Muqdisho

Wasiir Ka Tirsanaa Puntland oo Carona Ugu Geeriyooday Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirkii deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Maamulka Puntland, Dr. Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ala Ha U Naxariistee Wasiirka ayaa mudooyinkii dambe xanuunsanayay, kadib markii uu haleelay cudurka Covid -19.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa Xaqiijiyay geeridda Wasiirka Ismaaciil Diiriye Gamadiid.