Home Warar Wasiir Ka Tirsan Maamulka Galmudug oo Lagu Xiray Dhuusa-mareeb

Wasiir Ka Tirsan Maamulka Galmudug oo Lagu Xiray Dhuusa-mareeb

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidamadda amaanka maamulka galmudug ee magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa xabsiga dhigay wasiir ka Tirsan Maamulka Galmudug gaar ahaan kuwa Taageersan Madaxweyne Xaaf.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falage ayaa la sheegay iney xabbsiga dhigeen ciidamo Boolis ah oo magaaladaas ku sugan ka dib markii uu isku dayey inuu la baxsado gaari dhowaan dowlada Dhexe ee Somaliya ugu deeqday Wasaaradiisa.

Sidoo kale wasiirka ayaa lagu eedeeyay in uu doonayay in uu raaco Kolonyadda madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf0, oo galabta ka baxday Magaaladda Dhuusa-mareeb.