Home Warar Wasiir Islow:-“Waxaan Furi Doonaa Qaar Kamid ah Wadooyinka Muqdisho”,!

Wasiir Islow:-“Waxaan Furi Doonaa Qaar Kamid ah Wadooyinka Muqdisho”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la furi doono qaar kamid ah wadooyinka magaaladda muqdisho ee xiran.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu socdo qorshe lagu doonayo in dhegxaanta looga qaado wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood.

Wasiir islow oo kasoo muuqday Tv-ga Universal ayaa sheegay in dhawaan dhegxaanta laga daad-gurayn doono Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho kuwaa oo la gayn doono Wadada Warshadaha iyo wadooyinka kale.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya, ay waajib ka saaran tahay sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u nool Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kontoroolada gaadiidka lagu hubiyo ay Al Shabaab ka hor istaageen inay qaraxyo uu dhiig badani ku daadan karo, ay ka gaystaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliila xirnaanshaha wadooyinka magaaladda Muqdisho.