Home Warar Wasiir Islow:-“Ciidamada Amniga ayaa Dilay Xubin Kamid ah Al-Shabaab”,

Wasiir Islow:-“Ciidamada Amniga ayaa Dilay Xubin Kamid ah Al-Shabaab”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysnaa oo maanta toogasho ka geystay Xaafadda  Suuq bacaad degmada Yaaqshiid ee Gobolka banaadir.

Ragga hubeysnaa ayaa la sheegay in ay toogteen nin shacab iska ahaa oo marayay gudaha Suuq bacaad,waxaana durbadiba goobta lagu toogtay mid kamid ahaa ragii dilka fuliyay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in mid mid ah ragga dilka u geystay Ninka  ay Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya  ay gacanta ku dhigeen,isagoo dhaawac ah.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in Ciidanka Amniga ay khaarajiyeen dhagar qabahaasi oo markii hore dil u geystay Muwaadin Soomaaliyeed, islamarkaana isla goobta uu dilka ka geystay ay ku toogteen ciidanku.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa horey u khaarajiyey Maleeshiyaad badan oo katirsan Al-shabaab, kuwaas oo qaarkood isku dayayey iney dhibaato gaarsiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.