Home Warar Wasiir Dubbe:-“Imaaraatka Carabta Ma Aqoonsano Dowladnimadeena”,!

Wasiir Dubbe:-“Imaaraatka Carabta Ma Aqoonsano Dowladnimadeena”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa ku eedeysay dalka Imaaraatka Carabta in uu wado isku dayo uu dalka ka abuurayo qalalaase.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ayaa sheegay in warqad kasoo baxday Imaaraatka ay ka muuqato in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya.

“Warqadda Imaaraatka waxaa ka muuqdaa in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya oo ay dowladda inkiriyaa,warqadda waxaa ka muuqdaa in Imaaraatka uu ka rabo Soomaaliya sida Yemen iyo Liibiya oo kale oo ay ka abuurto fowdo iyo barakac” ayuu yiri wasiirka oo shir jaraa’id saaka ku qabtay Muqdisho.

Dowladda imaaraadka Carabta ayaa shalay walaac ka muujisay qalaalisihii dhawaan ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

“Wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah waxay ugu baaqeysaa dowladda kumeel gaarka ah ee iyo dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan si loo gaaro higsiga Soomaaliya ah in la helo nabadda iyo xasilooni buuxda” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday Imaaraatka.