Home Warar Wasiir Cawad:-“Kulankii Anaga iyo Muuse Biixi Siyaasad Shaqo Kuma Laheyn”!

Wasiir Cawad:-“Kulankii Anaga iyo Muuse Biixi Siyaasad Shaqo Kuma Laheyn”!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sharaxaad ka bixiyay kulankii ay dalka Sacuudiga kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu sheegay in hal qasri ay wada daganaayeen wafdiga Wasiirada ee ka socday dowladda Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland,sidaasna ay sawirka uwada galeyn,balse aysan siyaasad kawada hadlin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu arkayay dad siyaasadeynaya kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya.

“Wafdiga Madaxweynaha Somaliland iyo anaga waxaan wada deganeyn hal qasri, masaajid ayaa isku aragnay aniga iyo wasiirada kale dowladda federaalka ayaa u tagay oo salaamay, isagana si qurux badan oo soomaalinimada iyo walaalo isu soo hiloobay ayuu noo soo dhoweeyay oo sharaf ku jirto waan isa salaamanay waa is marxabeynay, kaddib waxaa isku arkeynay meelaha muslimiinta tagaan sida Carafo iyo mina, waxaa arkay dad Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ku sugan oo siyaasadeynayay kulankaas, wax gaar ah kama wada hadal, siyaasad shuqul kuma laheyn”ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.