Home Warar Wasiir Cawad:-“Dowladda Kenya Way Nooga Duwantahay Guinea”,

Wasiir Cawad:-“Dowladda Kenya Way Nooga Duwantahay Guinea”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa micno kale u yeeshay sababta Jamhuuriyada Guinea xiriirka ugu jartay oo aysan Kenya ugu jarin.

Kenya ayaa qaaday tilaabooyin muujin kara in xiriirka loo jaro,halka dalka Guinea uu halmar oo kaliyah qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in Kenya uu ka mid yahay dalalka dariska ah, taasina ay keenayso inay dulqaad badan u muujiyaan.

“Kenya way nooga duwantahay Guinea, xiriiro badan baa naga dhaxeeyay , wax is dhaafsi badan baa naga dhaxeeyay, malaha samir dheeraad ah ayaan u muujinay Kenya.. xiriirkayagu heerka uu ahaa iyo darisnamada naga dhaxeysa daraadeed.” ayuu yiri Cawad