Home Warar Wasiir Beyle oo ka hadlay xaaladda dhaqaale ee Dalka

Wasiir Beyle oo ka hadlay xaaladda dhaqaale ee Dalka

SHARE

gundhig-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr ; Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka ayaa Maanta ka hadlay xaaladda dhaqaale ee Dalka,  miisaaniyadda Sanadkan iyo caqabadaha ka taagan canshuur bixinta.

Wasiirka oo la hadlayay Saxaafadda ayaa digniin adag u jeediyay gacansatada aan bixin canshuurta lagu leeyahay, wuxuuna xusay in ay ka filayeen Sanadkan 20 milyan oo Doollar, balse ay kasoo xerootay 14 milyan, taas oo tusaale u ah sida ay u yartahay canshuurta la qaado.

Wasiir Beyle waxa uu tilmaamay in ay sameynayaan Taleefoon gaar ah oo looga tala galay canshuur bixiyayaasha.

Wada hadalka deyn cafinyta oo wareegga Saddexaad la soo geba-gabeynayo Bisha April horraanteeda ayuu raja badan ka muujiyay wasiirku, wuxuuna sheegay in ay wali caqabad tahay daqliga ka soo xerooda canshuuraha oo aad u yar.