Home Warar Wararkii Ugu Dambeeyay Kismaayo iyo Xildhibaano Lasoo Badbaadiyay

Wararkii Ugu Dambeeyay Kismaayo iyo Xildhibaano Lasoo Badbaadiyay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaaladda kismaayo ee Gobolka Jubadda hoose ayaa ku waramaya in  khasaare uu ka dhashay qaraxii iyo weerarkii toos ahaa ee caawa lagu qaaday Hoteel-ka Cas Casey, oo ku yaala Bartamaha Magaalada Kismaayo.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay afafka hore ee Hoteelka,waxaana xigay weerar toos ahaa iyo dagaalyahano gudaha u galay hoteelka.

Dhanka kale waxaa lasoo badbaadiyay laba ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaaliya, oo ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Labada Xildhibaan ee la soo badbaadiyay ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Maxamed Cali (Caano nuug) iyo Senatar Iftiin Xasan Baasto.

Ala HA u Naxariistee Wariye Maxamed Sahal Omar Gacmadheere oo ka howlgali jiray SBC TV, Hodan Naaleeye oo aheyd dadka ka yimid qurbaha ee soo kordhiyay hal abuur lagu xoojinayo Nabadda, iyo Seygeeda ayaa kamid noqday dadka caawa ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotel ku yaalla Kismaayo sida la xaqiijiyay.

Dhanka kale dabley hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in weli ka dhax degaalamayaan dhismaha Hotelka la weeraray, ee Cas-casey waxaana Hotelka gaaray ciidamadda maamulka Jubbaland oo isku dayay in ay weerarka soo afjaraan.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Hoteel Cas Casey, oo ku yaala Bartamaha Magaalada Kismaayo,halka jubbaland aysan wali ka hadlin.