Home Warar Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalka Ka Dhacay Magaaladda Garoowe

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalka Ka Dhacay Magaaladda Garoowe

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Iska hor imaad u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa xalay ka dhacay Magaaladda Garoowe.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Labo ciidan oo isku qabtay cida maamulaysa Xarunta Baarlamaanka,iyadoo Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulka Puntland uu ciidamo ku wareejiyay xarunta.

Intaas kadib waxaa goobta ka dhacay dagaal saacado socday kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

Dagaalkaan waxaa ku dhintay Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo xarun ganacsi halkaas ku lahaa, iyo labo askari, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa dhacdadii Baarlamaanka ka dhacday ku eedeyey Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Abdixakiin Maxamed Axmed (dhoobo-dareed) oo uu sheegay in maleeshiyo uu barlamaanka ku soo uruuriyey ay xabad ku bilaabeen Booliska gobolka oo uu sheegay doonayey in ay la wareegaan amaanka xarunta.

Taliyaha Booliska Puntland wuxuu sheegay in aysan weerar ahayn xiligan ay doonayaan in meleeshiyaadka xarunta baarlamaanka ku jira ay doonayaan in meesha laga soo saaro oo ay odayaal u diraan.