Home Warar Waqtiga Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland oo La Shaaciyay

Waqtiga Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland oo La Shaaciyay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xafladda Caleema-saarka madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe), ay dhici doonto arbacadda soo socoto 9-ka bishaan ku beegan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa laga soo xigtay in Xafladda Caleema-saarka laga dhigay arbacadda soo socota,islamarkaana lagu casuumaay Madax kala duwan.

Xubnaha lagu casuumay ayaa kala ah Madaxdii hore ee Soomaaliya, siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan Labada gole iyo marti sharaf kale

Dhanka kale Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu wafdi u dirayo caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii ay ka heleen martiqaad Madaxweyne Axmed Madoobe.