Home Warar Wafdi Ka Socda Dowladda Kenya oo Gaaray Kismaayo+Sawirro

Wafdi Ka Socda Dowladda Kenya oo Gaaray Kismaayo+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa goordhaweyd gaaray wafdi ka socda Dowladda Kenya.

Wafdigaan waxaa hogaaminaya Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale waxaana kamid ah Xildhibaanadda laga soo doortay Gobolka Waqooyi Bari.

Garoonka Diyaaradaha Kismaayo waxaa wafdigaan kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo Xubno kale.

Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda Shirkadaha Duulimaayadda ku taga magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, war ay soo saareen ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Magaaladda Kismaayo.