Home Warar Wafdi Ka Socda Aqalka Sare oo Gaaray Magaaladda Garoowe+Sawirro

Wafdi Ka Socda Aqalka Sare oo Gaaray Magaaladda Garoowe+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa maanta gaaray Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka.

Ujeedka wafdigaan ay u gaareen Garoowe ayaa lagu sheegay baadi goobka xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xubnaha Aqalka sare ee gaaray magaalada Garoowe maanta waxaa kamid ah

Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) “Guddoomiye”

Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc)

Sen. Siciido Xasan Cusmaan

Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud

Sen. Cusmaan Axmed Macow

Sen. Mustaf Maxamed Qodax

Sen. Bootaan Barre Samatar

Sen. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere

Sen. Farxaan Cali Xuseen

Sen. Hodan Maxamuud Cusmaan

Sen. Ayuub Ismaaciil Yuusuf

Sen. Shukri Adam Maxamed