Home Warar Waare:-“Shirkii Garoowe Ma Fashilmin, Malaa’ik Noosoo Dageysaa Ma Jirto”,!

Waare:-“Shirkii Garoowe Ma Fashilmin, Malaa’ik Noosoo Dageysaa Ma Jirto”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa meesha ka saaray wararka ku aadan in fashil uu kusoo dhamaaday shirkii lixda maalin ka socday Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Waare ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid bilow ah, madaxda dalka-na ay kaga hadlayeen masiirka ummadda, islamarkaana aysan jirin cid kale oo xal u raadin doonta ummadda oo aan madaxda Soomaalida aheyn.

Dhanka kale Madaxweynaha Hir-shabeelle Waare ayaa sheegay in aysan jirin Malaa’ik usoo dageysa dalkaan oo xalinaysa khilaafka jira, islamarkaana shirkii Magaaladda garoowe uusan fashil kusoo dhamaamin.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay shir kale yeelan doonaan kaasi oo lagu xalinayo khilaafka jira.

Hadalka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa jawaab u ah hadalkii Madaxweynayaasha Maamuladda Galmudug iyo Jubbland ee ku aadanaa in uu fashil kusoo dhamaaday shirkii Garoowe.