Home Warar Waare oo Xilkii Ka Qaaday Yuusuf Dabageed,Mid Kalana Magacaabay

Waare oo Xilkii Ka Qaaday Yuusuf Dabageed,Mid Kalana Magacaabay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo xilkii uu ka qaaday Yuusuf axmed hagar  (Yuusuf Dabageed).

Yuusuf Dabageed ayaa shalay eedeen culus hawada u mariyay Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Waare ay isku qabteen dhaqaalaha Gobolka hiiran kasoo xarooda uu waare doonayo in accounkiisa loogu shubo.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Waare in uusan bixin mushaarka Ciidamadda, Maamulka Gobolka, in lagu hor weeraray Ciidamada Magaalada iyo in uu kahor istaagay dhaqaalaha ay ku helaan canshuurta ay qaadaan.