Home Warar Waare oo La Kulmay Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya+Sawirro

Waare oo La Kulmay Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay  Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya mudane Xasan Xamza, iyo Mas’uuliyiin Ka kala socday Hey’adda Jidadka Qadar iyo hey’adda lagu wado in dhowaan ay bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay arrimo kale duwan oo quseeya Horumarinta Deegaanada maamulka Hirshabelle.

Ugu horeyn Madaxweyne Waare ayaa Ka mahadceliyay caawimaada Dowladda Qadar ee Soomaaliya gaar ahaan Mashruucani lagu dhisayo Wadadaasi oo muhiim u ah Dadka Reer Hirshabelle iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sharaxaad ka siiyay Hirshabelle Juqraafi ahaan halka Soomaaliya ay kaga taalo, iyo kheyraadka eebe uu Ka maneystay, iyo fursadaha maalgashi ee Ka jira.

Madaxweynaha iyo Xubnahani ka socday Qadar ayaa Kawada hadlay dar dar galinta mashaariicda horumarineed gaar ahaan dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho & Jowhar uu bur bur xoog leh ka jiro.

Xubnahani Ka socday Dowladda Qadar ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay dar dargalinta mashaariicda Horumarineed oo dalka ka fulinayaan taasi Oo ku kaceysa 200 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, waxaana madaxweynaha ay u sheegeen Hirshabelle in ay kala shaqeyn doonaan dhinacyada Horumarinta wax soo saarka iyo arrimo kale oo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Jamaal Maxamed Xasan iyo Mas’uuliyiin Ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle.