Home Warar Waare:-“Hir-shabeelle Qeyb Kama aha Shirarka Lagu Dhaliilo Dowladda”,

Waare:-“Hir-shabeelle Qeyb Kama aha Shirarka Lagu Dhaliilo Dowladda”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Hir-shabeelle uusan ka qeyb galin shirarkii ugu dambeeyay ay yeesheen Madax Goboleedyadda.

Waxa uu sheegay in Nairobi ay shir ku yeesheen qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda,islamarkaana ay dhaliileen Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Waare ayaa tilmaamay in Golaha iskaashiga Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira aysan shir yeelan Karin hir-shabeelle oo maqan.

Sidoo kale Madaxweyne waare ayaa ugu digay Madaxda Maamul Goboleedyadda, inay shirkooda kusoo qaadaan arrimo ku saabsan mamulkiisa.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xili Madaxda Jubba-land, koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland shir loogu soo horjeeday Dowladda Dhexe ay ku yeesheen Magaaladda Nairobi.

Dhanka kale Madaxweyne Waare ayaa bishii aynu soo dhaafnay heshiis la gaaray Dowladda Dhexe ee Soomaaliya,waxaana laga badbaadiyay Mooshin xilka loogu tuuri lahaa.